DHAGEYSO:Macallimiinta dugsiyada JSS ee Nakuru oo dibadbax sameeyay

0
579

Waxaa dibadbax sameeyay barayaasha fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano JSS ee ismaamulka Nakuru.
Macallimiinta ayaa dalbanaya in dowladdu ay si joogto ah u howlgeliso oo la soo afjaro qaabka qandaraaska ah ee ay hadda ku shaqeeyaan.
Sidoo kale waxay dalbanayaan in mushaar kordhin loo sameeyo.
Qaar ka mid ah macallimiinta dibadbaxa ka dhigay Nakuru oo warbaahinta la hadlay ayaa wacad ku maray in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa laga fulinaya dalabaadkooda.