DHAGEYSO:Karua oo sheegtay inaysan siyaasiyiinta dhaliilsan ka aargoosan doonin

0
346

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Martha Karua ayaa sheegtay in haddii ay 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku guulaystaan hoggaanka ugu sarreeya dalka aynan wax dhibaato ah u gaysan doonin siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan.
Waxay carrabka ku dhufatay in garabyada uu tartanka kala dhexeya aynan cadow u arag.

Waxaa baaq kani la mid ah soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna iyo wakiilka dumarka ee Nairobi Esther Muthoni Passaris