Israa’iil oo dishay qof u dhashay Falastiin

0
379

Ciidamada Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen nin Falastiini ah xilli ay weerar ku qaadeen magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed.
Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ,Maxamad Awawdeh ayaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in saaka la dilay Mateen Dabaya oo 20 sano jir ahaa oo ay xabbadda uga dhacday madaxa.
Waxaa uu sidoo kale dhaawac soo gaaray dhakhtar lagu magacaabo Cabdullah al-Axmad, oo hadda ay xaaladiisa caafimaad liidato.
Kooxda Jenin Brigades oo la aasaasay sanadkii hore ayaa sheegtay in Dabaya uu ka mid ahaa taliyaasha.