Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan fal shalay galab lagu toogtay Rex Kanyike Masai.
Waxaa uu ka mid ahaa shacabka dhigayay dibadbaxa ay uga soo horjeedaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Rex ayaa xilli lagu daaweynayay isbitaalka Bliss Hospital ee ismaamulka Nairobi u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray lugta oo ay rasaasta uga dhacday.
Guddoomiyaha IPOA Anne Makori ayaa sheegtay in ay saaka guda galeen baaritaanno lagu ogaanaya sababihii keenay in qofkaasi la toogto.
Waxay intaasi ku dartay in ay sidoo kale la xiriireen oo ay u tacsiyadeeyeen qoyska Rex.
Makori ayaa dadka ku dhaawacmay dibadbaxyada u rajeysay caafimaad degdeg ah.
Maamulka IPOA ayaa laga soo xigtay inuu uruurinaya macluumaad ku saabsan dhaawacyada la diiwaangeliyay tan iyo Talaadadii.
Waxay guddoomiyaha maamulkan intaasi ku dartay in baaritaannada ay sidoo kale ku eegi doonaan waxyeello la gaarsiiyay saraakiisha booliiska ee mudaaharaadyada ka falcelinaya.
Guddoomiyaha IPOA ayaa shacabka ku bogaadisay in ay sameeyeen dibadbaxyo nabad ah waxayna dhanka kale ciidamada ammaanka ku amaantay in ay is xakameeyeen marka loo barbardhigo dibadbaxyadii hore.
Anne Makori ayaa labada dhinac ugu baaqday in ay u hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah.
Rex Kanyike ayay wararku tilmaamayaan in abaare 7-dii fiidnimo ee xalay lagu toogtay afaafka hore ee maqaaxida Hilton ee bartamaha Nairobi xilli isaga iyo saaxibkii ay ku wajahnaayeen gurigooda.
Meydka Rex Kanyike ayaa la dhigay goobta meydadka la dhigo ee caasimadda dalka .
Hooyada Rex ayaa warbaahinta u sheegtay sida ay wax u dhaceen.