DHAGEYSO:Gachagua oo beeniyay inuu qaab qabyaaladeysan u mideynaya shacabka Bartamaha dalka

0
294

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta wadanka.
Waxaa uu been abuur ku tilmaamay in qaabka uu u mideynaya shacabka iyo madaxda gobolka Bartamaha dalka uu yahay mid qabyaalad ku saleysan.
Rigathi Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in ujeeddada uu arrintan ka leeyahay ay tahay in ay helaan qoondada ay ku leeyihiin raasimaalka qaran.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Mukurweini ee ismaamulka Nyeri ayuu madaxda ka soo jeeda gobolkaasi ku boorriyay in ay shacabka dhageystaan oo ay la tashadaan si ay u fahmaan baahiyaha ka jira deegaannada hoose.