Wadayaasha baabuurta ee ismaamulka Wajeer ayaa cabasho ka muujinaya shidaal la’aan soo foodsaartay oo saameyn ku yeelatay ganacsigooda sida uu ku soo warramayo Cabdiraxmaan Mucaawiye
Waxaa sidoo kale caqabaddan laga dareemaya ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka iyo deegaannada ku xeeran.
Wadayaasha mootooyinka iyo darawaliinta ayaa safaf dhaadheer ugu jiro inay shidaal ka helaan keliya labo ka mid ah 6 kaalimo shidaal oo halkaasi ku yaalla iyagoo ay saacado ku qaadanayso.




