Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Eugene Wamalwa ayaa maamulka Kenya Kwanza ku dhaliilay qorshaha uu ku furaya xadka ay wadaagaan waddamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tan iyo markii arrinkan la shaaciyay inay kordheen weerarrada lagu bartilmaameedsado saarakiisha ammaanka.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad lagu aasayay David Micha oo ka mid ahaa saraakiisha difaaca dalka ee KDF-ta oo lagu dilay weerar ka dhacay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.




