Ka dib markii ay dhawaan qaramada midoobay Soomaaliya ka qaadday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd ayaa waxaa isa soo taraysa hadal haynta ku aaddan tallaabooyinka ay dowladdu ku xaqiijin karto in hubka uunan gacanta u gelin shacabka iyo argagixisada.
La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aallo lagu waydiiyay dood uu xalay ka qayb galay ayaa sheegay inay jiraan tallaabooyin ku aaddan xakameynta hubka .
Sidoo kale waxaa uu ka jawaabay su’aal ahayd inay badan tahay tirada ciidamada ee ilaaliya madaxda wuxuuna xusay in taasi ay ku xiran tahay halista uu mas’uulkaasi wajihi karo.
La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale arrin mamnuuc ah ku tilmaamay in ciidamada loo adeegsado arrimo siyaasadeed isagoo dhanka kale faahfaahin ka bixiyay nidaaminta dowladda uga qorsheysan ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macaawisleyda ee la dagaallamaya Al-Shabaab.




