Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta Josephat Biwott ayaa sheegay in la guda galay dadaallo lagu xallinaya muran dhanka dhulka ah oo ka taagan deegaan baarlamaneedka Magarini.
Waxaa dhulkaasi isku haysta shacab iyo shirkadda horumarinta wax soo saarka beeraha ee ADC.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dadweynaha Magarini ay golaha hoose ee ismaamulka Kilifi ay u gudbiyeen dacwad arrinkan ku aaddan.
Mr. Biwott ayaa sheegay in la joojiyay dhammaan howlihii ka socday aagaasi ilaa iyo inta laga xallinaya ismari waaga jira.




