Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya aynan wajihi doonin roobabka culus ee loo yaqaano El Nino ama dayr- biyo badan sidii ay horay u sheegtay waaxda saadaasha hawada ee wadanka.
Xilli uu maanta hadal ka jeedinayay kaniisad ku taalla xaafadda Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ayuu madaxweyne Ruto sheegay in hoos loo dhigay saadaashii hore marka la eego baaxadda roobabka la rajeynaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda la saadaalinaya inay wadanka ka di’i doonaan roobab aan muddo dheer soconayn tani oo uu xusay inay u wanaagsan tahay waaxda beeraha ee dalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in tani ay beeralayda u horseedi doonto inay sare u qaadaan wax soo saarkooda si dalka looga badbaadiyo cunno yari.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in laga faa’iiday duco qaran oo bishii labaad ee sanadkan lagu qabtay fagaaraha Nyayo National stadium ee magaalada Nairobi maadaama wixii xilligaasi ka dambeeyay ay dalka roobab ka da’een.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa horay u shaacisay in Kenya ay roobab culus ka di’i doonaan inta u dhexeysa bartamaha bishan Tobnaad ilaa iyo bisha 12-aad ee sanadkan ka hor inta aan taasi dib loo eegin.