Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha waxbarashada Julius Melly, ayaa guddiga qoondeynta miisaaniyadda ugu baaqay in uu ka baaran dego sidii dib loogu soo celin lahaa barnaamijka quudinta ardayda.
Tani ayaa timid ka dib markii barnaamijkan oo ay ku baxaysay lacag dhan 4.9 bilyan oo shilin aan lagu darin qorshaha sanad maaliyadeedka 2024/2025-ka.
Julius Melly ayaa xusay in ay soo celiyeen 2 bilyan oo shilin oo loogu talagalay in cunto loogu iibiyo ardayda dhigta dugsiyada ku yaalla ismaamullada oomanaha ah iyadoo dhaqaalahan lagu wareejinaya golaha qaran ee tacliinta bulshooyinka reer guuraaga ah ee NACONEK.
Waxaa uu dhanka kale soo jeediyay in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu si joogto ah u shaqaaleysiiyo ardayda bartay macallinnimada ee wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee loo yaqaano JSS kuwaasi oo ay tiradoodu tahay 26,000.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka ayaa ku taliyay in arrinkan la dhaqangeliyo laga billaabo kowda bisha Toddobaad ee sanadkan oo aan la sugin sanadka dambe sidii horay loo qorsheeyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waalidiinta ismaamulka Isiolo ay doonayaan in dowladda ay sii wado barnaamijka quudinta ardayda iyo in si joogto ah loo howlgeliyo macallimiinta dugsiyada JSS.