DHAGEYSO:Bulshada Islii oo loogu baaqay inay carruurtooda siiyaan tallaalka ka dhanka ah dabeysha

0
266

Waxaa xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ka qabsoomay shir wada tashi ah oo ay ka soo qayb galeen daneeyayaal kala duwan.
Kulanka ayaa lagu casuumay saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe, mas’uuliyiinta caafimaadka, waxgaradka bulshada iyo warbaahinta.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayay sida lagu dardargelin karo bixinta tallaalka ka dhanka ah xanuunka dabeysha ee ay bixinaysa wasaaradda caafimaadka ee dalka oo kaashanaysa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF kaasoo soo billowday 7-dii bishan oo ku eg 11-ka bishan Tobnaad.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Islii Maxamad Haadi Sheekh Caddow ayaa dadweynaha ku boorriyay inay fududeeyaan sidii carruurta ay da’oodu tahay 5 sano iyo wixii ka hooseeya loo siin lahaa tallaalkan.
Waxaa uu sheegay inuu guddoomiye xaafadeedyada islii ku amray inay tallaabo sharciyeed ka qaadaan waalidkii diida in canugiisa la siiyo tallaalka.

Waxaa sidoo kale shacabka ku nool waqooyi xaafadda islii baaq u diray ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka.

Faadumo Maxamad oo ka mid ah dadka qaabilsan abaabulka la xiriira bixinta tallaalka ka dhanka ah dabeysha ayaa waalidiinta gaar ahaan hooyooyinka ugu baaqday inaynan carruurta ka hagran qaadashada tallaalka iyagoo qiil ka dhiganaya in aabaha uunan oggolayn.

Sidoo kale waxaa inoo suurtagashay in aan wareysano Joseph Ndegwa oo ay dabeyl curyaamisay isagoo yar.