Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay in xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
War kooban oo ka soo baxay taliska booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaaqa jug xooggan oo tiro dhowr jeer ah xalay qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho ay maqleen inuu ahaa baco waaweyn oo la dhigay meelo kala duwan.
Qoraalka ka soo baxay booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay bacaha jugtooda laga maqlay meelo ka mid ah Muqdisho.
Warkan ka soo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo 5-tii bishan tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qaybo ka mid ah degmada Wadajir, gaar ahaan xaafado ku yaalla agagaarka xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kuwaas oo sababay dhaawaca labo ruux oo shacab ahaa.
Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta ugu warramay waxyeellada uu gaystay hoobiyaha.