DHAGEYSO:Baroordiiq loo sameynaya dadkii ku dhintay shilkii Londiani

0
234

Waxaa ismaamulka Kericho maanta munaasabad baroordiiq ah loogu sameynaya qoysaska 52 qof oo ku dhintay shilkii maalmo ka hor ka dhacay isgoyska Londiani ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa munaasabadda hoggaaminaya madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyadoo ay ka qayb galayaan siyaasiyiin kala duwan.
Senatarka ismaamulka Kericho ,Aaron Kipkirui Cheruiyot ayaa dowladda ugu baaqay inay taageero buuxda u fidiso qoysaska dadka ku nafwaayay shilka.