DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo amray in la xiro baararka u dhow dugsiyada iyo goobaha cibaadada

0
329

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ,Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa amar ku bixiyay in albaabada la isugu dhufto ama halkaasi laga wareejiyo goobaha lagu caweeya ee masaafo dhan 150 mitir u jira dugsiyada iyo xarumaha lagu cibaadeysto.
Tani ayuu hoosta ka xarriiqay inay ka hor tag u noqonaysa ardayda isticmaalaya maandooriyaha.
Arrintan ayuu sheegay xilli shalay ismaamulka Mombasa lagu qabtay xuska caalamiga ee maalinka la dagaalanka isticmaalka maandooriyaha iyo ka hor tagga tahriibka.
Waxaa uu tilmaamay in goobaha lagu caweeyo ay sidoo kale carqaladeeyaan howlaha cibaadada.
Barasaabka ayaa sheegay inuu la fadhiisan doono wakiillada golaha hoose ee Mombasa si loo soo saaro tallaabooyin dhibaatadan wax looga qabanaya.