DHAGEYSO:Barasaabka Machakos oo ka hadashay mamnuucidda qaadka Mogokaa

0
314

Barasaabka ismaamulka Machakos Wavinya Ndeti ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dadweynaha fursad la siiyo si ay aragtidooda uga dhiibtaan mamnuucidda qaadka Mogokaa ka hor inta aan tallaabadaasi lagu dhaqaaqin.
Waxay sheegtay in ay ugu horreyn shacabka arrinkan ka qayb gelin doonto.
Guddoomiyaha ismaamulka Machakos ayaa dhanka kale walaac ka muujisay in carruurta ay ku soo badanayaan ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyada.
Waxay madaxda kaniisadaha ka codsatay in ay door ka qaataan sidii wacyigelin ka dhan ah maandooriyaha loogu sameyn lahaa dhallinyarada .