Guddoomiyaha dowlad deegaanka Busia ,Paul Otuoma ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday hooyga senatarka ismaamulkaasi Okiya Omtatah.
Waxaa uu laamaha ammaanka ku boorriyay in ay falkaasi ku sameeyaan baaritaan qoto-dheer si gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadkii ka dambeeyay.
Dr.Otuoma ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid la dhibsado oo aan marnaba loo dul qaadan karin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay xaqiijinta badqabka mas’uuliyiinta iyo shacabka.
Habeennimadii ay Khamiista soo galeysay ayay ahayd markii la soo tabiyay in koox aan la aqoonsan ay weerar ku qaadeen hooyga senatar Okiya ee Busia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdu ay doonaysay in ay hesho macluumaad la xiriira halka uu senatarka ku sugan yahay.
Waxaa sidoo kale falkaasi cambaareeyay xisbiga mucaaradka ee ODM oo dalbaday in la sameeyo baaritaan dhameystiran oo degdeg ah.
Sidoo kale qaar ka mid ah senatarrada aqalka sare ee dalka sida Samson Cherargei oo laga soo doortay ismaamulka Nandi , dhigiisa Nairobi Edwin Sifuna iyo senatarka Isiolo Faaduma Duullo ayaa cambaareeyay bartilmaameedsiga ka dhanka ahaa hooyga senatarka waxayna ku tilmaameen iskuday siyaasadeed oo la doonaya in Okiya lagu cabsi geliyo si uunan u sii wadin dacwadaha uu maxkamadda geeya ee ka dhanka ah barnaamijyada dowladda sida canshuurta guriyeynta.