DHAGEYSO:Alfred Mutua oo baaq u diray kenyaanka shaqo la’aanta ah

0
178

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee waddanka Dr. Alfred Mutua ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee ka bannaan dalalka carbeed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal ku bixisay in heshiisyo dhanka shaqaaleysiinta ah ay la gashay dalal ay Qatar ka mid tahay.
Mutua ayaa tilmaamay in wareysiyo labo maalmood lagu qaadayay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi looga gol –leeyahay in ay fursado shaqo helaan 8,000 oo qof oo kenyaan ah.
Dadkan ayaa ka howlgeli doono waaxyaha qaabilaadda martida , dhismaha, farsamada iyo bixinta adeegyada kale.
Wasiir Alfred Mutua oo baaq u diraya dhallinyarada shaqo la’aanta ah ayaa yiri.

Dhanka kale, qaar ka mid ah kenyaankii tagay xarunta KICC si ay nasiibkooda u tijaabiyaan ayaa sheegay in lagu xiray khibrad shaqo oo ah ilaa 3 sano oo aynan lahayn iyo dokumeentiyo uu baasaboorka ka mid yahay.