Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 10 qof halka labo kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Shilka ayaa waxaa uu u dhexeeyay gaari xamuul ah iyo gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ay leedahay shirkadda MUNA Sacco.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga xamuulka ah uu kontoroolka lumiyay islamarkaana gadaal ka jiray gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda.
Gaariga xamuulka ah oo siday agabka dhismaha ayaa la sheegay inuu ka yimid Nairobi, wuxuuna ku sii jeeday magaalada Mai Mahiu.
Taliyaha taliska booliiska OCPD-ga ee qaybta magaalada Naivasha Samuel Kirui oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa sheegay in sagaal qof ay isla goobta ku dhinteen halka ruux 10-aad u geeriyooday xilli loo sii waday isbitaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in afar gaari kale oo wadadda yaallay ay shilkaasi waxyeelo ka soo gaartay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta la wadaagay sida ay wax u dhaceen.