Dhacdooyiin afduub ah oo ka dhacay Hulugho, ee deegaanka Ijara.

0
417

Baarsaab ku xigeenka ismaamulka Garissa Abdi Dhaqane ayaa maanta ka hadlay dhacdooyiin afduub ah oo laga soo tabiyay magaalada Hulugho ee ismaamulka Garissa.
Waxaa uu sheegay in Sambur Shambara oo ka mid ahaa odayaasha deegaanka Ijara ay gurigiisa si qasab ah ugala baxeen dad aan la garanayn .
Si la mid ah waxaa la afduubtay nin isagana lagu magacaabo Mohamed Yarow oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Ka dib cadaadis dadweyne, Mzee Shambara ayaa markii dambe looga tagay wadada u dhaxaysa Masalani iyo Minjila ee Mnazini.
Waxaa uu falkan sharci darrada ah ku tilmaamay inay weli ka hor imaanayso dastuurka, iyo bani’aadamnimada oo aan gebi ahaanba la aqbali karin.
Ilaa hadda, meesha uu Maxamed Yarow ku sugan yahay weli lama oga.
Qodobka 29aad ee Dastuurka Kenya wuxuu damaanad qaadayaa qof kasta xuquuqda xorriyadda iyo amniga, halka Qodobka 49aad uu dhigayo in si rasmi ah loola xisaabtamo oo sharciga la horkeeno dambiilayaasha sida uu xusay baarsaab ku xigeenka Garissa .
Intaa waxaa dheer, Qodobka 238 wuxuu cad yahay in amniga qaranka la raaco iyadoo si adag loo raacayo sharciga, dimuqraadiyadda iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.
Afduubka, xarigga qarsoodiga ah iyo dadka la waayo meelna kuma laha dimuqraadiyadda dastuuriga ah ayuu yiri Abdi DHaqane.
Waxaa uuna sheegay in uu hay’adaha amniga ka codsanayo inay si degdeg ah oo hufan uga warbixiyaan meesha uu ku sugan yahay Maxamed Yarow iyo in si degdeg ah loo xiro oo maxkamad loo soo taago dhammaan dadkii mas’uulka ka ahaa afduubka sharci darrada ah.