Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa u yeertay senatarka ismaamulka Kiambu Paul Karungo Thang’wa.
Waxaa su’aallo laga waydiinaya shaqaaqadii shalay ka dhacday deegaanka Limuru oo lagu qabanayay munaasabad aas ah.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in isaga la bartilmaameedsanayay.
DCI ayaa bayaan ku sheegtay in senatarka laga doonaya inuu tago xarunta waaxdan ee ismaamulka Nyeri si uu faahfaahin uga bixiyo rabshaddii dhacday.
Hasa ahaate, senatarka Kiambu oo ay aad isugu dhow yihiin Gachagua ayaa tallaabada loogu yeeray ku sheegay mid lagu cabsi gelinaya balse aan lagu guulaysan doonin.