Waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi lagu qabtay in ka badan hal kiilogaraam oo ah nooca daroogada ee loo yaqaano Methamphetamine.
Maandooriyahan ayaa ah mid is wayn loo qabatimo isticmaalkeeda waxayna saameyn ku yeelataa neerfaha.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay waaxdu sheegtay in qiimaha lacageed ee balwaddan uu yahay ugu yaraan 9 milyan oo shilin.
DCI ayaa laga soo xigtay in daroogada laga dhigayay badeeco loo wado magaalada Jakarta ee dalka Indonesia waxaana hadda socdo baaritaano dheeraad ah.




