Ciidamada Booliska u qaabilsan Xuduudka kana hawlgalayay aaga Modika ayaa xalay toogasho ku dilay darawal Taksi ah .
Wiilka ay toogteen laamaha ammaanka ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar oo 25 sano jir ahaa.
Marqaati gaariga ku jiray ayaa sheegay in Axmed Sheekh Cumar ay rasaas madaxa kaga fureen ciidamada BPU isagoo aan waxba galabsan.
Wakiilka laga soo doortay waaxda Baraki Hassan Geley oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in meydka Ahmed Sheikh Cumar ay baaritaan ku sameeyeen saraakiisha IPOA, dambi baarayaasha DCI, iyo ciidamada taraafikada ,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen qoyskiisa.
Waxaa uu ugu baaqay maamulka kormeerka ku sameeya hawlaha Booliiska ee dalka IPOA iyo ciidamada dambi baarista ee dalka DCI-da in ay dadajiyaan baaritaanada si gacanta loogu soo dhigo askartii ka dambaysay dilka wiilkaas dhalinyarada ahaa.
Waxaa uu intaas ku daray in dib loo dhigay aas Ahmed Sheikh Xumar si loo sugo dhakhaatiir ku takhasustay baaritaanada meydka oo ka imaanaya Nairobi si loo helo baaritaan dhammaystiran.




