Darasaad ay sameysay shirkadda TIFA ayaa lagu ogaaday in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya ,Raila Odinga uu yahay musharraxa ugu taageerada badan ee ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Makueni .
Cilmi baarista maanta la soo bandhigay waxaa ku cad in boqolkiiba 41 ee dadweynaha ku nool Nairobi ay la dhacsan yihiin siyaasadda Odinga oo ay doonayaan inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka halka boqolkiiba 26 ay taageersan yihiin madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto .
Muddo xileedka labaad ee madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku eg bisha Siddeedaad ee sanadkan iyadoo Kenya ay doorasho guud ka dhici doonto 9-ka bishaasi.
Darasaadka TIFA waxaa ku xusan in boqolkiiba 32 ee dadweynaha la wareystay aynan weli go’aansan cidda ay siinayaan codkooda ku aaddan qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Marka la eego ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta , taageerada siyaasadeed ee Raila Odinga ayaa ah boqolkiiba 50 halka midda Ruto ay tahay 32 boqolkiiba.
Shacabka dowlad deegaanka Makueni waxaa uu Raila taageero ka haystaa boqolkiiba 48 halka Ruto ay garab siinayaan boqolkiiba 18.
Darasaadka shirkadda TIFA ayaa lagu sameeyay wicitaannada taleefoonka gacanta iyo wareysiyo fool ka fool ah .
Waxaa cilmi baarista ka qayb qaatay 649 qof oo ay da’doodu tahay 18 sano iyo wax ka sarreeya.




