Qaar ka mid ah waddamada qaaradda Afrika ayaa doonaya in qaramada midoobay ay cunaqabateyn ku soo rogto cid kasta oo ku xadgudubta raasimaalka ama khayraadka asalka ah iyo aqoonta soo jireenka ah ee la xiriirta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa maanta magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay ka furtay dood la doonaya in heshiis lagu soo gabagabeeyo si looga hor tago in lagu tagriifalo khayraadka asalka ah ee dalalka dunida.
Ka dib in ka badan 20 sano oo wada xaajoodyo ah,hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta hantida maskaxeed ee (WIPO) ayaa rajeynaysa in is-afgarad la gaaro iyadoo la dhaqangelinaya nidaam daahfurnaan sare ku saleysan.
Hadii uu arrinkan meel maro , cid kasta oo hal-abuur la timaado ama wax soo saarta waxaa laga doonaya in ay caddeyso wadanka laga leeyahay raasimaalka asalka ah ee ay adeegsatay iyo dadka bixiyay macluumaadka qadiimiga ah ee khayraadkaasi la xiriira .