Dad ku dhintay bas ku sii jeeday Mandera oo shil galey

0
530

Bas ay leedahay shirkadda Bahrain oo xalay ku sii jeeday Mandera ayaa shil ay labo qof ku dhinteen ku galay inta u dhaxeysa deegaanada Habaswein iyo Dujis gaar ahaana meel u dhaw wadada waaxda Baraki.
Gaariga Baska ayaa ka soo ambabaxay caasimada dalka ee Nairobi.
Shilkan ayaa sababay ka dib markii uu baska ku dhacay gaari xamuul ah.
In ka badan 8 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dhacda’dan.