Dab xoogan oo wali ka socda Keyn ku taala waddanka Turkiga

0
634

Dad badan ayaa faarujiyay afar tuulo iyo labo xaafadood oo ku yaala galbeedka gobolka Izmir ee dalka Turkiga iyadoo kooxaha dabdamiska ay la dagaalamayaan dab ka kacaya keyn ku taala dalkaas maalintii labaad, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.
Wasiirka kaymaha dalka Turkiga Ibraahim Yumakli ayaa Isniinta maanta ah sheegay in dabka uu xalay ka kacay deegaanada Kuyucak iyo Doganbey ee Izmir.
Dabkan ayaa waxaa sii hurinaya dabeylo xoogan oo jira.