Dabkii ka kacay dhismaha afarta dabaq ah ee Shantou ee gobolka Guangdong, ayaa kacay abbaare 9:20 fiidnimadii Talaadada, isagoo la xakameeyay wax yar ka dib 10:00 fiidnimo, sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee maxalliga ah.
Dhacdadan ayaa timid ka dib markii dab weyn uu bishii hore qabsaday dhowr guryo oo dhaadheer oo ku yaal gobolka Hong Kong, oo deris la ah Guangdong, kaasoo ay ku dhinteen 160 qof.
Warbixinada horudhaca ah ayaa sheegay in siddeed qof ay dhinteen, afar kalena ay ku dhaawacmeen balse warbaahinta dowladda Xinhua ayaa markii dambe sheegtay in wadarta guud ee dadka ku nafwaayay dabka ay tahay 12 qof.
Dhimashada ayaa timid ka dib markii Shiinaha uu bilaabay olole ka dhan ah khataraha dabka ee dhismayaasha dhaadheer ka dib dabkii Hong Kong ee bishii hore.




