Dowladda jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ayaa sheegtay in aan la oggolayn in wadankaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo qaladaad la soo tabiyay xilligii doorashada .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo garabka mucaaradka ee Congo uu shaaciyay inuu berri hoggaamin doono mudaaharaadyo .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay wadankaasi doorasho ka qabsoontay.
Shan ka mid ahaa musharraxiinta madaxweynenimo ee mucaaradka Congo ayaa guddoomiyaha magaalada Kinshasa ku wargeliyay Sabtidii inay qaban qaabinayaan dibadbax dhici doono Arbacada.
Hasa ahaate wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Peter Kazadi ayaa sheegay in uunan wax mudaaharaad ah jiri doonin.