Ciriiri saameeyay isku socodka gaadiidka ee waddada Nairobi-Nakuru

0
299

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KENHA ayaa sheegay in ciriiri xooggan uu saameeyay waddada u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Nakuru.
Waxaa uu maamulkan gaadiidleyda ku boorriyay inay waddo kale adeegsadaan si aynan halkaasi ugu xannibmin.
Ciriiriga ayaa saaka saameeyay aagga loo yaqaano Rironi wuxuuna ka dhashay gaadiid badan oo waddadaasi adeegsanaya maadaama ay kenyaanka u safrayaan dabbaal degyada Christmas .
Maamulka KeNHA ayaa wadayaasha baabuurta uga digay inay isku dayaan inay gawaarida kale ka hor maraan si uunan u sii badan ciriiriga.
Waxaa la tacaalidda arrinkan ku howlan saraakiisha waaxda taraafikada ee dalka.