Ciidanka Israa’iil oo sii wado duqeymaha Qaza.

0
168

Ciidanka Israa’iil ayaa duqeyn ku qaaday guri ku yaal Magaalada Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 12 qof, hal maalin ka dib markii ay ku dileen ugu yaraan 78 qof oo Falastiiniyiin ah weerarro ay ka geysteen guud ahaan Marinka.
In ka badan 27 qof ayaa maanta lagu dilay weerarada militariga Israa’iil ay ku qaadeen Marinka Qaza.
Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiniyiinta ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay ku dileen ugu yaraan 743 qof oo Falastiiniyiin ah weerarrada ay ku qaadeen goobaha gargaar qaybinta ee Hay’adda Bini’aadantinimada ee Qaza oo loo soo gaabiyo GHF tan iyo markii ay hay’adaas bilawday howlgalkeeda dhawa yaaqadii bishii May ee sanadkan.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa inta uu socdo tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa lagu dilay ugu yaraan 57,365 qof halka lagu dhaawacay 135,957 kale oo Falastiniyiin ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Qaza.