Ciidamada Kumeelgaarka Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa qorsheynaya in inta badan ciidamadooda laga saaro dalka ilaa bartamaha 2027, ka dib marka uu dhamaado waajibaadkooda sanadkan.
UNIFIL ayaa muddo tobanaan sano ah u adeegaysay sidii xayndaab u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, isla markaana ka caawisay ciidanka Lubnaan in ay burburiyaan kaabayaashii Xisbullah ee ku yaallay xadka Israa’iil, gaar ahaan ka dib dagaalladii dhawaan ka dhacay Israa’iil iyo kooxda ay Iiraan taageerto.
Iyadoo ay cadaadis sarayaan Mareykanka iyo Israa’iil, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii hore u codeeyay in waajibaadka UNIFIL la joojiyo 31ka December 2026, iyadoo qorshe lagu sameeyay in ciidamadab ay si habsami leh oo nabad ah uga baxaan dalka muddo hal sano gudahood.




