Canada oo shan jibbaar kordhisay dal ku galka Falastiiniyiinta

0
288

Dowladda dalka Canada ayaa shaacisay in ilaa shan mar ay kordhisay tirada dal ku galka la siinaya Falastiiniyiinta ku sugan Gaza ee doonaya in ay la midoobaan qoysaskooda ku nool wadankaasi.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka socdaalka ee Canada ,Marc Miller.
Waxaa uu xusay in tirada codsiyada la qabanaya ee la xiriira fiisaha oo ah barnaamij gaar oo lagu dhawaaqay bishii Diseembar ee sanadkii hore la gaarsiinaya ilaa 5,000.
Miller ayaa bayaan ku sheegay in ay weli aad uga walacsan yihiin xaaladaha baniaadannimo ee ka taagan Qaza.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Canada ay ka shaqeynaysa sidii ay u caawin lahayd Falastiiniyiinta doonaya in ay iskaga baxaan Qaza oo ay ka socdaan duqeymaha militari ee Israa’iil hasa ahaate ay weli jiraan xannibaado aynan waxba ka qaban karin Canada.