2 milyan oo qof oo ku nool magaalada ugu weyn dalka Australia ee Sydney ayaa ku jiri doona bandow habeenkii ah oo isbuuca soo socda bilaabanaya si loo yareeyo faafitaanka caabuqa corona gaar ahaan faraca Delta oo ku sii fidaya gobolka New South Wales, sida ay mas’uuliyiintu Jimcaha maanta shaaciyeen.
Dalka Australia oo hadda wajahaya mawjadda sadexaad ee Cudurka COVID-19, magaalada Sydney ayaa ah meesha kiisaska ugu badan laga diiwaan galiyay, taasoo ku qasabtay in ka badan kala bar ku dhawaad 26 milyan oo qof inay xanibaad galaan sidoo kalena dalka nambarka 13-aad kaga jiro horumarka dhaqaalaha qarka u saartay markii labaad hal sano gudaheed hoos u dhac dhaqaale.
Mas’uuliyiinta Gobolka New South Wales ayaa kordhiyay bandowga habeenkii ah ee Sydney ilaa dhamaadka bisha sagaalaad ee sanadkaan waxaana sidoo kale la soo saaray amarro ay ka mid yihiin in afduubka la xirto marka bannaanka loo baxaya.
Bandowgaan ayaa wuxuu dhaqangali doonaa Isniinta wuxuuna jirayaa inta inta u dhexaysa 9-ka fiidnimo ilaa 5-ta subaxnimo.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo bandow kani la mid ah uu horay uga jiray magaalada Melbourne guud ahaan shacabka ayaana guryahooda ku sugnaan laga billaabo Isniinta marka laga reebo kooxaha shaqooyinka muhiimka ah bushada u haya.
Gobolka New South Wales ayaa Jimacaha maanta ah waxaa laga diiwaan galiyay 644 xaaladood oo cusub inta ugu badana waxay ku sugan yihiin Sydney maalin kasta in ka badan 400 oo xaaladood ayaa magaalada Sydney laga diiwaangalinayay todobadii maalin ee la soo dhaafay taasoo keentay in magaalada ugu weyn Australia ee Sydney lagu soo rogo bandow 8 isbuuc soconaya.
Gobolka Victoria ee dalka Australia waxaa laga diiwaangaliyay 55 xaaladood oo cusub oo COVID-19 waxaan laga digay inuu gobolkaas halis ugu jiro soo laba kaclaynta caabuqa.
Caasimada dalka Australia ee Canberra ayaa sidoo kale bandow lagu soo rogay kadib markii 24 saac ee la soo dhaafay laga diiwaan galiyay 16 xaaladood oo cusub
Dowlada Australia ayaa diiwaangalisay 12,000 oo xaaladaha tan iyo markii la arkay nooca cusub ee Delta 16-kii bishii June .
Australiya ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay 42,100 xaaladood oo 975 ka mid ah ay cudurka u dhinteen.