Booliiska oo sheegay in Tom Osinde lagu dilay Nakuru

0
258

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay inay heleen xog muujinaysa in Tom Osinde oo horay ugu shaqeyn jiray wasaaradda maaliyadda ee dalka lagu dilay gudaha ismaamulka Nakuru ka dibna meydkiisa la geeyay Migori.
Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay guriga ninkan uu ku lahaa Nakuru.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in Tom Osinde la dilo in kastoo dambi baarayaasha qaar ay sheegayaan in lagu bartilmaameedsaday hantidiisa.
18-kii bishii hore ayay ahayd markii la waayay waxaana ugu dambeyntii meydkiisa laga helay webiga Gucha ee ismaamulka Migori.