Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay dileen labo qof oo falal burcadnimo ka gaysanayay deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi.
Shakhsiyaadkan ayaa laga takhalusay ka dib markii ay rasaas iswaydaarsadeen iyaga iyo dambi baarayaasha ka howlgalo Kilimani.
DCI ayaa sheegtay in labada qof ee la dilay loo kala yaqaanay Rundo iyo Mulinyo waxaana dabagal lagu sameeyay ka dib cabasho ka timid qaybaha bulshada.
Hasa ahaate ka dib markii ay ciidamada ammaanka ku amreen inay is dhiibaan ayuu mid ka mid ah burcadda rasaas ku furay saraakiisha taasoo ay ka falceliyeen laguna dilay.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa intaasi ku dartay in ciidamada ay sidoo kale howlgalkaasi ku soo heleen ilaa 9 xirmo oo rasaas ah , hal bastoolad iyo hub kale.
Meydadka labada qof ee la toogtay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee caasimadda dalka si loo aqoonsado.