Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi,Adamson Bungei ayaa sheegay in siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ay haystaan oggolaansho ay maanta kulan dadweyne ugu qaban karaan fagaaraha Kamkunji Grounds.
Waxaa uu Bungei hoosta ka xarriiqay in ciidamada booliiska ay diyaariyeen tallaabooyin lagu sugaya amniga.
Mucaaradka ayaa toddobaadkii hore shaaciyay inuu maanta isku soo bax qabanaya si uu ugu dhawaaqo tallaabada xigta ee ay qaadayaan maadaama baarlamaanka uu ansixiyay hindise maaliyadeedka sanadkan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii uu shalay madaxweynaha dalka William Ruto qalinka ku duugay sharciga maaliyadda ee sanadkan oo si buuxda u dhaqan geli doono laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan.
Waxyaabaha ku xusan sharcigan waxaa ka mid ah in la kordhiyay canshuurta laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 taasoo laga dhigay boqolkiiba 16.
Sidoo kale shaqaalaha iyo xarumaha ay ka howlgalaan ayaa laga doonaya inay bil kasta boqolkiiba min 1.5 ee mushaarka ay ku biiriyaan sanduuqa guriyeynta ee dowladda.