Ciidamada booliiska ee gobolka ay India maamusho ee Kashmiir ayaa sheegay in ay aqoonsadeen ilaa saddex qof oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen weerarkii Talaadadii ka dhacay magaalada Pahalgam.
Waxaa halkaasi lagu dilay 26 qof iyadoo mas’uuliyadda weerarkaasina ay sheegteen xoogagga iska caabinta ee The Resistance Front.
Kooxdan ayaa walaac ka muujisay in gobolkaasi la dejiyay in ka badan 85,000 ruux oo aan u dhalan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu sii xumaanaya xiriirka ka dhexeeya dowladaha India iyo Pakistan.
India ayaa u yeertay safiirkii Pakistan u fadhiyay magaalada New Delhi waxayna maalin ka hor xuduudda ka xiratay Pakistan.
Wasaaradda difaaca ee India ayaa wacad ku martay in ay falcelin adag ka bixin doonto weerarkii ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.