Sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah, hay’adaha amniga Faransiiska ayaa xiray laba nin oo lala xiriirinayo xatooyadii dahabka qaaliga ah ee dhawaan laga xaday matxafka Louvre ee caanka ah ee magaalada Paris.
Mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa la qabtay abbaare 10-kii fiidnimo saacada maxalliga ah isagoo ka doofi rabo garoonka diyaaradaha ee Paris-Charles de Gaulle sida ay ku warantay warbaahinta Faransiiska ee Le Parisien iyo Paris Match Axadda maanta ah halka midka kale laga soo qabtay gudaha gobolka Paris sida laga soo xigtay Le Parisien.
Matxafka Louvre ee caasimadda Faransiiska ayaa la xiray toddobaad ka hor ka dib markii koox burcad ah ay si guul leh u xadeen siddeed xabbo oo dahab qaali ah.
Waxaa wali socdaa baadigoob xooggan oo lagu hayo eedeeysanayaasha kale ee haray.




