Barasaabyada oo doonaya in miisaaniyadda loo kordhiyo

0
182

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (COG) ayaa doonaya in dowladda dhexe ay sanadkiiba u qoondeyso miisaaniyad dhan 439.5 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxay dalbanayaan in lagu wareejiyo 10.5 bilyan oo shilin oo dheeraad ah si ay ugu qarash geliyaan dayactirka waddooyinka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada wadanka Anne Waiguru xilli ay hor tagtay guddiga maaliyadda ee aqalka sare ee uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba.
Guddoomiyaasha ayaa senatarrada ka codsaday in ay si buuxda ugu istaagaan waajibaadka ka saaran ka shaqeynta iyo u ololeynta horumarka ismaamullada.
Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee (CRA) uu soo jeediyay in sanad maaliyadeedkan ay dowladda dhexe ismaamullada ku wareejiso dhaqaale dhan 398 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate, wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha dhaqaale ee wadanka ayaa lacagtan ka dhigtay 391 bilyan.
Madaxa dowlad deegaannada ayaa weli ku adkeysanaya in aynan ku filnayn miisaaniyadda loo qoondeeyay sidaasi awgeedna ay dalbanayaan in loo kordhiyo.