Barasaabkii hore ee Samburu oo lagu wado in maanta la xukumo

0
231

Waxaa maanta maxkamadda dib ugu laabanaya barasaabkii hore ee ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay ay maxkamaddu ku caddeysay in xilligii uu gudddoominayay dowlad deegaankaasi uu si sharci darro ah ku qaatay hanti dadweyne oo gaareysa 83.3 milyan oo shilin.
Garsoore sare Thomas Nzyoki ayaa sheegay in saraakiisha waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigeen caddeymo aan shaki la gelin karin oo ka dhan ah Lenolkulal.
Waxay maxkamaddu sheegtay in ay ku heshay dembi ah inuu kaalin shidaal oo uu leeyahay adeegsaday taasi oo sanado shidaal u qaybinaysay dowladdii hoose ee Samburu ee uu hoggaaminayay taasi oo liddi ku ah dastuurka.
Waxaa la filayaa inuu maanta maxkamadda ka codsado in aynan ku ridin ciqaab culus iyadoo maxkamaddu ay xukunkeeda shaacin doonto.