Barasaabka Kisumu oo dhaliil u jeediyay dowladda sare

0
216

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof.Anyang Nyong’o ayaa maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku eedeyay inuu khatar ku yahay nidaamka dowlad wadaajinta.
Barasaabka oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dhulalka , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ee golaha guddoomiyaasha ismaamullada wadanka ee (CoG) ayaa ku andacooday in dowladda sare aynan garab buuxa siinayn maamulka la daadajiyay.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu Kisumu ka furay wada hadalka qaran ee horumarinta magaalooyinka.
Prof. Nyong’o ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay wargeyska rasmiga ah ku soo daabacdo dhammaan shaqooyinka la daadajiyay iyo raasimaalka loo qoondeeyay.
Waxaa uu maamullada qaabilsan dhisidda waddooyinka ku dhaliilay in ay faragelinayaan mashaariicda ismaamullada iyagoo aan kala tashan hoggaamiyaasha dowlad deegaannada.
Tani ayuu xusay in ay liddi ku tahay ujeedkii laga lahaa maamul wadaagga .