Guddoomiyaha ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa maareeyaha miisaaniyadda dowladda, Dr. Margaret Nyakang’o ku eedeysay in ay ka tallaabsanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah.
Waxay sheegtay in haweeneydan ay fuliso shaqooyin hoos tago xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka.
Wareysi ay saaka siinaysay telefishinka maxalliga ee NTV, ayay Wanga ku tilmaantay Dr. Nyakang’o in ay tahay shakhsi awood iyo karti shaqo leh.
Hasa ahaate, waxay hoosta ka xarriiqday in mararka qaar ay sameyso hanti dhowr aynan sharci ahaan u xil saarnayn.
Barasaabka ayaa tusaale u soo qaadatay xilliyada qaar oo xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda uu ismaamullada ka dalbaday in ay soo gudbiyaan dokumeentiyada heerka hanti dhowridda.
Gladys Wanga ayaa ku celcelisay in xafiiska Dr. Margaret laga doonaya inuu diiradda saaro ansixinta miisaaniyadaha marka uu billaabanaya sanad maaliyadeedka oo uu la socdo sharci ahaanshahooda.
Hadalka Wanga ayaa ku soo aadaya iyadoo golaha barasaabyada dalka ee CoG iyo xafiiska Dr. Margaret ay isku maandhaafsan yihiin dib u dhaca ku yimaada bixinta lacagaha.
Bishii hore ayay ahayd markii golaha ay ku mideysan yihiin guddoomiyaasha dowlad deegaannada dalka uu wacad ku maray inuu baarlamaanka iyo aqalka sare u gudbin doono mooshinno xilka looga qaadaya maareeyaha miisaaniyadda dowladda.
Guddoomiyaha golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa Dr. Margaret Nyakang’o ku sifeeyay khatarta ugu wayn ee ka dhanka ah dowlad wadaajinta.




