Baarlamaanka dalka Ukraine ayaa u codeeyay in la soo celiyo madax bannaanidii labo hay’adood oo muhiim ah kuwaasoo qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu dejinaya xasaradda siyaasadeed ee ka jirta Ukraine laga soo billaabo duullaankii militari ee Ruushka.
331 xeer dejiyaal ah ayaa hindise sharciyeedkan codkooda ku taageeray mana jirin cid ka soo horjeedsatay.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay hindisahan u gudbisay baarlamaanka ka dib cadaadis uga yimid kumanaan dibadbaxayaal ah iyo mas’uuliyiinta qaaradda Yurub.
Waxaa hadda lagu wadaa in madaxweynaha waddankaasi uu saxiixo hindisaha uu baarlamaanka ansixiyay si uu u dhaqan galo.