Baarlamaanka Israa’iil oo ansixiyay xeer halkaasi looga mamnuucaya warbaahinta Aljazeera

0
265

Xeer dejiyaasha Israa’iil ayaa meel mariyay xeer horseedaya in halkaasi laga mamnuuco inay ka howlgalaan warbaahinta Aljazeera iyo saxaafadda shisheeye ee loo arko kuwo halis ku ah amniga sida ay hadalka u dhigeen.
Dhanka kale ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay afaafka isbitaalka Al-Aqsa ee Bartamaha Qaza sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 32,845 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 75,392 kale.