Baarlamaanka dalka oo dardargelin doono xeerarka doorashooyinka

0
355

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa xaqiijiyay in golaha qaran ee xeer dejinta uu si degdeg ah u qiimeyn doono sidoo kalena u ansixin doono dhammaan xeerarka la xiriira doorashooyinka ka hor codeynta guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) garab lagu siiyo inuu si buuxda ugu diyaar garoobo maareynta doorashooyinka.
Guddoomiyaha ayaa sidatan sheegay ka dib kulan uu la qaatay ku xigeenka danjiraha safaaradda Ingiriiska ee Kenya Mr. Ed Barnett.
Wetang’ula ayaa laga soo xigtay in baarlamaanka uunan marnaba oggolaan doonin dib u dhac carqaladeynaya kalsoonida lagu qabi karo maareynta doorashada.
Mr. Barnett ayaa dhankiisa sheegay in boqortooyada Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay IEBC ka caawiso sare u qaadidda aqoonta howlwadeennada si loo xoojiyo daahfurnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan guddiga.