Baaritaano lagu sameyn doono 9 ka mid ah meydadka Shakahola

0
231

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta baaritaano lagu sameeyo meydadkii ugu dambeeyay ee laga soo saaray keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi oo gaaraya sagaal.
Meydadkan ayaa lagu soo helay wajiga saddexaad ee howlgallada.
Shalay ayay ahayd markii baaritaano lagu sameeyay 22 meydad ah oo isugu jiray toddobo qof oo waawayn iyo 12 carruur ah.
Sarkaalka dowladda sare u qaabilsan qalliinnada lagu sameeyo meydadka Dr.Johansen Oduor ayaa sheegay inay jireen labo meyd oo aad u gogo’ay taasoo sababtay in aan la xaqiijin da’da labadaasi qof.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadkan badankoodu ay u geeriyoodeen gaajo maadaama ay cuntada ka afxirteen.