Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ayaa waddamada shisheeye uga digay inay farageliyaan arrimaha Kenya.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay soo dhaweysay go’aanka uu maamulka madaxweyne William Ruto racfaan uga qaadanaya go’aankii ay maxkamadda ku laashay qorshaha 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka lagu geynaya wadanka Haiti.
Martha Karua oo ka mid ah hoggaamiyaasha saree e Azimio ayaa ku baaqday in la ixtiraamo madax bannaanida garsoorka Kenya.




