Australia oo aqoonsan doonto dowladnimada Falastiin

0
346

Dowladda Australia ayaa shaacisay in ay aqoonsan doonto qarannimada Falastiin.
Waxay bisha Sagalaad ee sanadkan mowqifkeeda la wadaagi doontaa xubnaha golaha guud ee qaramada midoobay.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa tabinaysa in ugu yaraan 145 ka mid ah 193-ka xubnood ee golaha guud ee qaramada midoobay oo u dhiganta afar meelood saddex meel in ay horay u aqoonsadeen mise ay qorsheynayaan in ay aqoonsadaan qarannimada Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale , duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza oo soo billowday 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii lagu dilay in ka badan 61,430 qof halka lagu dhaawacay 153,213 kale.