Ardayda dhigata jaamacadaha dadweynaha ee Kenya ayaa maanta oo Isniinta dib ugu laabtay waxbarashada, kadib markii la soo afjaray shaqo-joojin ay macallimiintu ku jireen muddo 28 maalmood ah.
In ka badan 30,000 oo shaqaale jaamacadeed ah oo ka tirsan Ururka Shaqaalaha Tacliinta Jaamacadaha (UASU), Ururka Shaqaalaha Jaamacadaha Kenya (KUSU) iyo Ururka Shaqaalaha Adeegyada Guryaha, Hoteellada, Hay’adaha Waxbarashada, Isbitaallada iyo Shaqaalaha kale (KUDHEIHA) ayaa shaqada joojiyay 2-dii Oktoobar, iyagoo dalbanayay in la soo gabagabeeyo wada-xaajoodyada, lana saxiixo heshiiska wadajirka ah ee shaqaalaha ee muddada 2025–2029 ee (CBA), si loo dhaqan geliyo qodobadiisa.
Ururrada shaqaaluhu waxay shaqo-joojinta soo afjareen 30-kii Oktoobar, kadib markii ay 28-kii Oktoobar heshiis dhan 20 bilyan oo shilin la gaareen dowladda.
Mas’uuliyiinta ururrada ayaa xaqiijiyay in waxbarashadu Isniinta dib u bilaaban doonto, iyagoo xubnahooda ugu baaqay inay si degdeg ah ugu laabtaan shaqada macallinnimada.
Heshiiska ayaa yimid kadib markii arrinta ay soo dhexgaleen guddi heer wasaaradeed ah oo ka koobnaa Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Maaliyadda Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaas oo uu hoggaaminayay Madaxa Shaqaalaha Dowladda, Felix Koskei.
Tallaabadan ayaa timid kadib kulammo dhexdhexaadin ah oo dhowr jeer fashilmay, kuwaas oo dhexmaray ururrada shaqaalaha iyo Madasha Wadatashiga Golaha Jaamacadaha Dadweynaha IPUCCF. Soo-jeedintii ugu dambeysay ee madashu ahayd 11.96 bilyan oo shilin ayay ururradu diideen.
Sida ku cad heshiiska lagu soo afjaray shaqo-joojinta, dowladda ayaa ballanqaadday inay 20-ka bilyan ee shilin ku bixin doonto saddex marxaladood.
Lacagta ugu horreysa oo dhan 6.7 bilyan oo shilin ayaa la bixin doonaa sannad-maaliyadeedka 2026/2027, halka lacag intaas la mid ah loo qoondeeyay sannad-maaliyadeedka 2027/2028.
Lacagta harsan oo dhan 6.6 bilyan oo shilin ayaa la bixin doonaa sannad-maaliyadeedka 2028/2029.
Heshiisku wuxuu dhigaya in mushaharka macallimiinta sannad kasta loo kordhiyo 3.5 boqolkiiba muddo afar sano ah, iyadoo kordhinta dib looga xisaabinayo 1-da Luulyo 2025. Taasi waxay u dheer tahay kordhinta mushaharka sannadlaha ah ee tooska ah oo ah shan boqolkiiba.
Macallimiinta ayaa sidoo kale ka faa’iideysan doona gunnooyin la hagaajiyay oo la mideeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin fasaxyada shaqaalaha, gaadiidka, safarka iyo qaadista alaabta, iyadoo heshiisku daboolayo inta badan shaqaalaha tacliinta.
Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in mushaharka iyo gunnooyinka baaqiga ah ee lagu yeeshay shaqaalaha muddadii u dhexeysay 1-da Luulyo 2025 iyo 30-ka Juun 2026 lagu bixiyo saddex qaybood oo isle’eg.
Lacagaha baaqiga ah ee urura muddada u dhexeysa 1-da Luulyo iyo 31-ka Diseembar 2026 ayaa la bixin doonaa iyadoo lagu darayo mushaharka bisha Janaayo 2027.
Heshiisku wuxuu sidoo kale dhigaya in la joojiyo dhammaan tallaabooyinkii anshax-marinta ee ka dhanka ahaa macallimiinta tacliinta ee ka qeyb qaatay shaqo-joojinta.
Shaqaalaha aan joogtada ahayn ayaa loo xaqiijiyay in qandaraasyadooda aan loo diidi doonin cusboonaysiin sababo la xiriira ka qeybgalka shaqo-joojinta.
Shaqo-joojintu waxay curyaamisay waxbarashadii jaamacadaha dadweynaha, iyadoo walaac weyn ku abuurtay ardayda. Qaar ka mid ah ardayda ayaa laba jeer dibadbaxyo dhigay, iyagoo dowladda ka dalbanayay inay soo farageliso oo xaliso khilaafka.
Iyadoo casharradu dib u bilaabanayaan, maamulka jaamacadaha ayaa wajahaya caqabadda ah sidii loo soo celin lahaa waqtigii waxbarasho ee lumay, iyada oo aan la carqaladeyn cilmi-baarista, imtixaannada iyo xafladaha qalin-jabinta xilli sannadku dhammaanayo.
Home Wararka Kenya Ardayda jaamacadaha dadweynaha oo dib u bilaabaya waxbarashada kadib markii la soo...




